Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay natiijada wejiga labaad ee shirkii Madaxda Dawlada Federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada, kaas oo xalay lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Dhuusamaree.
Qoraalka ayaa sidoo kale loogu baaqay dhinacyada shirka ka qeyb-galay in loo istaago ka mira dhalinta wejiga sedexaad ee shirka Dhuusmareeb ee dhacay 15-ka Bisha Agoosto.
Sidoo kale Siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur ayaa ka dalbaday Xubnaha Beesha Caalamka inay taageeraan hehsiiska Soomaalida, si loo xaqiijiyo doorasho xilligeeda si nabad ah u dhacda.