Somali News

C/raxmaan C/shakuur oo hey’ada NISA ku eedeeyay in ay fududeysay weerarkii xabsiga dhexe

Muqdisho-KNN-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warasame oo ah hogaamiyaha xisbiga Wadajir oo maanta warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada amni ee xiligan uu dalka Marayo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa uu ugu horeyn ka hadlay weerarkii ka dhacay xabsiga dhexe ee xamar, waxaa uuna sheegay in weerarkaasi la fududeeyay, islamarkaana ujeedo gaar ah laga lahaa.

Siyaasiga ayaa waxaa uu si kulul u eedeeyay Hay’ada sirdoonka iyo nabad sugida qaranka ee Soomaaliya, isagoona ku dhaliilay in hay’ada nabad sugida ay xubno Al-Shabaab ah ka sii daayeen xabsi dhexe ee xamar.

“Arrinta xabsiga dhexe ka dhacay waa qorshe nabad sugidda soomaaliya ay ku sii deyneysay shabaab xabsiga ku xirnaa, hub ayaana xalay loo geliyay xabsiga dhexe”. sidaasi waxaa yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Siyaasiga ayaa sheegay in ay tahay mid aad looga xumaado wixii ka hacay xabsiga dhexe ee xamar.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa uu sheegay in R/Wasaare la’aanta ka jirta dalka, xiligan boob lagu qaato xilalka dowladda , hantida dalka, darajooyinka ciidanka.