Somali News

Ciidamada Kenya oo la sheegay in markale ay Gubeen shirkad isgaarsiineed oo ku taala J/Hoose

Muqdisho-KNN-Wararka laga helayo  Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya  in ciidamada Kenya ay gubeen xaruntii shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Dhuyac–Garoon oo ka tirsan degmada Salagle ee gobolka Jubbada Hoose.

Qof ka tirsan shaqaalaha shirkadda oo waqtigaa ku sugnaa xarunta ayaa la sheegay in ay ciidamadu dibedda uga saareen kaddibna halkaasi ku bur buriyeen Dhismihii, agabkii yeelay iyo Anteennadii shirkadda intaba, ciidamada ayaa bur burinta xarunta u adeegsaday Miino ama walxaha qarxa.

Xarunta ayaa qeyb ka ah xarumihii dhawaan hawadda ka baxay markii sidan oo kale loo gubay xaruntii Isgaarsiinta ee deegaanka Calibuley.

Lix maalmood ka hor ayeey aheyd markii sidan oo kale ciidamada Kenya u bur buriyeen xaruntii Isgaarsiinta shirkadda Hormuud ee deegaanka Calibuley, waxaana hawadda ka maqan Isgaarsiinta qeybo ka mid ah deegaanno hoos taga Ceelwaaq ilaa Dhoobley, waxaana marka laga soot ago isticmaalka isgaarsiinta dadku u adeegsan jireen isku gudbinta lacagaha EVC Plus

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah o oka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland oo la xiriira tacaddiyadan ay geysanayaan ciidanka keyna oo qeyb ka Ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.