Somali News

Ciidamada Macawiisleyda oo weerar ku qaaday dagaalameyaasha Al-shabaab ee ku sugan degmada Ceeldheer

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo Ciidanka Macawiisleyda iyo dagaalameyaasha Al-shabaab ku dhexmaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ciidamo Macawiisley ah ayaa weerar ku qaaday Degmada Ceel dheer, halkaasi oo ay ku sugnaayeen dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka ay qaadeen Ciidanka Macawiisleyda.

Ugu yaraan 6 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay dagaalka oo ay ku jiraan Saraakiil, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dagaalka hoggaamineysa..