Somali News

Ciidanka Xooga iyo dadka deegaanka oo la wareegay deegaan hoos yimaada Magaalada Camaara

Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal ka sameeyay deegaanka Qodqod ee ku yaala duleedka magaalada Camaara ee gobalka Mudug.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ay si buuxda ula wareegeen deegaankaan iyo deegaano kale oo dhowr ah oo hoos taga magaalada Camaara.

Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka ayaa kaabiga ku haya magaalada Camaara ee gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku sugan yihiin dagaalameyaasha Al-shabaab.