Somali News

DAAWO:-Al-Shabaab oo sheegtay in hub iyo gaari ay ku qabsadeen dagaalkii Baar sanguuni

Muqdisho-KNN-Warbaahinta Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay Hub iyo Rasaas ay sheegeen in Al-Shabaab ay ka soo qaateen dagaalkii ka dhacay deegaanka Baar sanguuni ee Gobalka Jubada Hoose.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo ah gudoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Jubbooyinka ayaa soo bandhigay  in dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Baar sanguuni ee Gobalka jubada hoose ay ku qabsadeen  hub iyo saanad militari.

Warkan ka soo baxay  Al-Shabaab ayaa waxaa uu ku soo aadayaa kadib markii dhawaan Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Mareykanka ay sheegeen in khasaaro lixaad ku gaar siiyeen dagaalkii ka dhacay deegaanka Baar sanguuni ee Gobalka Jubada Hoose.

Halkan ka Daawo Sawirada.