Somali News

DAAWO:-Maxaa ka soo kordhay Weerarkii ka dhacay Nairobi

Muqdisho-KNN-Waxaa uu qaatay in ka badan 16 saac, weerarka oo noociisu la mid ahaa Kuwo ay Al-shabaab Muqdisho ka geeysteen.

Ciidanka Amaanka Kenya iyo kuwo Ajanabi ah oo ay kaashanayeen ayaa Dagaal Adag la galay Dagaalamaal ka Tirsan Al-shabaab oo weerarka Fuliyay.

Warbaahinta Kenya oo ka warrantay qaabka uu weerar ku ku billowday ay sheegtay in ragga weerarka qaaday ay Bombo la dhaceen Gawaaridii hotelka yaalay kadibna uu mid ka mid ah is qarxiyay.

Wargeeyska the star ee Kenya ayaa waxaa uu tiradda ragga weerarka qaday ku sheegay in ay yihiin ugu yaraan lix qof. Oo Shan ka mid ah dhismaha Hotelka koreen midna uu banaanka isku qarxiyay.

Madaxweynaha Kenya Uruhu Kenyatta oo markii Werarka laso Afjaray la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in 14 Qof  ay weerarku dhinteen islamarkaan Ciidanka Amaanku soo badbaadiyeen Dad ka badan 700 oo shacab ah.

Ka sokoow hadalka Kenyatta, Heey’adda laanqayrta Cas ee Kenya ayaa Tiradda dhimashadda waxa ay ku sheegay ugu yaraan 24 Qof. Waxaa xusud in madaxweynaha iyo laanqayrta Cas midna uusan sheegin Tiradda Dadka dhaawaca ah Balse BBC-da ayaqa warisay 30 Cusbitaalka lagu daweeyay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo wajigiisa laga dheehan karay Caro iyo Qoomamo ayaa waxaa uu Amray in Ciidanka Dagaalku ay Jawaab deg-deg ah ka bixiyaan wixii ka dhacay Magaaladda Nairobi.

Al-shabaab oo weerarka sheegtay ayaa Afayeenkooda Howlgaladda Cabdi Casiis Abuu Muscab oo lahadlay TV-ga Al-Jazeera waxaa uu sheegay in Dagaalamayaashoodu dileen 47 Ruux.

Wasaaradda Artrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Weerarkaan Cambaareeysay waxayna sheegtay in Dowladda Kenya ku garab istaageeyso Dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab.

Lix Sano kadib Weerarkii Westgate mall,  Magaaladda Nairobi ayaa waxaa ay marti galisay dhowr iyo Toban Saacadood oo Argagax, Walaac iyo Baqdin ah.

Weerarkiil Al-shabaab ay September 2013kii ku qaadeen Nairobi waxaa ku dhintay 67 Qof. Midkii April 2015 kii ay Jaamacadda  Magaaladda Gaarisa ku qaadeenna waxaa ku dhintay 150 qof.

Midkii shalayna waxaa uu ahaa kii ugu dhimashadda Badnaa uguna Weeynaa ee Alshabaab Kenya ka fuliyaan. Waxaase la sugayaa Nooca Jawaabta uu Kenyatta Amray .

https://youtu.be/RsNBhyM0prY