Somali News

Dad ku dhintay Daadad ku Dhuftay Wadamada Nepal iyo Hindiya.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 43 ruux ayaa dhimatay kadib markii daadad xoogan ay ku dhufteen dalka Nepal iyo koonfur bari dalka Hindiya sida ay sheegeen booliska.

Daadadka oo xoogan iyo wadooyinka qaar oo go’ay awgii waxaa lasoo warinayaa in illaa iyo 24 ruux lala’yahay.

Inkabadan hal miyan oo ruux ayaa guryahooda iskaga barakacay kadib markii ay saameeyeen daadadka,

Roobabka oo aad u xoogan ayaa lafilayaa in ay sii socdaan maalmaha soo aadan.

Booliska ayaa sheegaya in dhinaca Nepal laga soo badbaadiyay dad gaaraya illaa iyo 1,100 ruux iyadoona daadadku ay sidoo kale saameeyeen guryo gaaraya 10,385 guri.

Wararka ayaa sheegaya in Qoys ka kooban sadax ruux ay dhinteen kadib markii uu kusoo dumay guri ay daganaayeen caasimada Kathmandu.

Wadamada ku yaala Koonfurta Qaaradda Eeshiya ayaa sanad walba waxaa ka da’a roobab xoogan inta u dhaxeysa bilaha June iyo September.