Somali News

Dad rayid ah oo ku dhintay Duqaymaha Siiriya

Muqdisho-KNN-Weeraradda dhinaca Cirka ee ay qaadeen diyaaradaha Military ga Siiriya iyo Kuwa Ruushka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan Sideed qof halka 11 kalena ay ku dhaawacmeen Woqooyiga Gobolka Idlib.

Haween iyo caruur ayaa ka mid ah dadka ku dhintay Magaaladda Kafaraya ee Bariga Idlib dhacda, sida ay sheegtay Hey’adda la socota colaadda Siiriya.

Kooxda Gurmadka ee Koofiya Cadda loo yaqaano ayaa sheegtay in ay u gurmadeen Dadkii ku dhaawacmay Duqaynta islamarkaana ay geeyeen goobo caafimaad.

Duqaymo kale oo ka dhacay Magaaladda Khan Sheikhuun waxaa ku dhintay Lix qof oo Afar ay caruur yihiin Labana ay Haween yihiin, sida ay kooxda Koofiya caddu warbaahinta u sheegeen. Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo Siiriya aya lagu eedeeyaa in ay si aan kala sooc lahayn u duqeeyaan meelaha ay rayidku joogaan