Somali News

Dagaal maanta ka dhacay degmada Dharkenley

Muqdisho-KNN-Dagaalka u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan  Booliska Soomaaliya iyo ragg hubeysan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Suuq Boocle ee degmada Dharkenleey ee Gobalka Banaadir.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii rag hubeysan ay joojiyeen guri dhismo uu ku socday oo lacag ay ka doonayeen,hayeeshee  dadka Guriga loo dhisayay ay ku wargeliyeen  Ciidamada Booliska ee Saldhiga degmada Dharkeenleey.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu  ka dhashay dagaalkaasi.

Shalay ayay aheyd markii rag hubeysan ay tageen guriga dhismaha ku socday, iyagoona dadka ku amray inay bixiyaan lacag laga doonayo, hayeeshee ay maanta dagaal kala kulmeen ciidamada booliska degmada Dharkeyleey ee Gobalka Banaadir.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Degmada Dharkeynleey ee Gobalka Banaadir.