Somali News

Dawladda Kenya oo Cadaadis Cusub kusoo rogtay Duulimaadyada Soomaaliya

Muqdisho-KNN-War ka soo baxay Laanta socdaalka ee Dalka Kenya ayaa waxaa cadaadis hor leh lagu saaray, Duulimaadyada Diyaardaha ka duula Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho

Warkan kasoo baxay laanta Socdaalka ee Dalka Kenya, ayaa ahaa in Duulimaadyada Diyaaradaha ee Muqdisho kasoo duula ay soo maraan magaalada Wajeer ee Dalka Kenya, halkaasi oo ay rakaabka lagu baari doono baaritaan adag ,taasoo u baahan in Diyaaradaha Duulimaadkooda uu hakad ku yimaaddo.

Sidoo kale waxa uu isbadal ku yimid sida lagu shaaciyay warkan kasoo baxay Laanta Socdaal ee Dalka Kenya, In Dal ku galka Kenya ee markii hore laga qaadan jiray magaalada Wajeer gaar ahaan dadka haysta Baasaboorka Diblomaasiyadeed, ay ka qaadan doonaan Garoonka Diyaaraha Nayroobi ee Jommo Kenyatta Airport, iyadoo mar labaad ay u baahanayaan Diyaaraduhu inu ku yimaado hakad labaad

Arrintan ayaa waxa ay noqonaysaa caqabad hor oo is hortaagaysa muwaadiniin Soomaaliyeed , iyadoo ay tii hore ee ahayd in magaalada Wajeer ay sii  maraan ay ku hayd dhibaato weyn

Haddaba Dawladda Kenya ayaa ahayd mudooyinkii u dambeeyay mid sii kordhinaysa marba marka ka dambeeya, Cadaadiska ay saarayso  Soomaaliya .

Iyadoo arrintan ay Kenya kaga Duulayso Muranka ay gelisay Biyaha Soomaaliya ee Dacwadeedu ka furan tahay Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda Adduunka ee ICJ

Kenya ayaa isku dayo badan gelisay sidii ay Dawladda Soomaaliya ugu qancin lahayd in wadahadal laga geliyo arrintan, walow ay Dawladda Soomaaliya ay ku gacanseyrtay ,haddana Kenya ayaa u Muuqata mid aan weli quusan isku dayadeeda ay ku doonayso damaceeda fog ee  Biyaha Soomaaliya