Somali News

DEG DEG: Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Jawaari oo geeriyooday

Allaha u naxariistee, waxaa goordhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday Guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Geerida Guddoomiyahii hore ee golaha shacabka ayaa waxaa xaqiijiyay qoyskiisa.

Guddoomiye Jawaari ayaa qeyb ka ahaa dowladihii dalka soo maray, waxaana uu laba mar soo noqday guddoomiyaha golaha shacabka.