Somali News

DFS oo sheegtay in tobanaan ka tirsan Al-shabaab lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan

War saxaafadeed ka soo baxay Warsaxaafadeed ka soobaxay wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in tobnannaan ka tirsan Al-shabaab lagu dilay howlgal ka dhacay deegaan u dhow magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan.

“In ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad oo sideed kilo mitir dhinaca Koonfur Galbeed ka xigta deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan” ayuu lagu yiri qoraalka ka soo wasaaradda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in howlgalkaan lagu beegsaday Saraakiil iyo dagaalameyaal isku diyaarinayay inay u gudbaan qeybo ka mid ah bartamaha Soomaaliya.