Somali News

Dibad baxyo hor leh oo ka dhacay Faransiiska.

Muqdisho-KNN-Koox isugu yeereyso qamaarada casaanka ah ayaa waxa ay dibed-bax ku dhigayeen magaalada Paris, kaas oo loga soo horjeeday dibed baxaydii ka dhanka ahaa dawladda, ee hareeyay dalka faransiiska.



Dibadbayaasha ayaa waxa ay dalbanayaan in gabi ahaan la soo afajaro dibedbaxayada ay dhigayaan kooxda isugu yeerta jaakadaha jaalaha.



Dibedbaxaxyadaan oo biloowday bishii Noveember ee sanadkii ayaa waxaa looga soo horjeeday canshuurta lagu kordhiyay shidaalka


“Dibedbaxayaasha waxa ay xireen waddooyinka, marka taasina uma fiicna ganacsiyada, sidoo kalana waxa ay caqabad ku tahay caruurta iskoolka dhigta sababtoo ah waxa ay ka daahayaan waxbarashada,”sidaasi waxaa warbaahinta RFI u sheegay afhayeenka kooxda qamaarada casaanka ah.



Haseyeeshee warbaahinta dalka Faransiiska ayaa sheegeeysa in durbaba dibedbaxaaysha qamaarada jaalaha ah laga dareemay kala qeeybsanaan ku aadan in madaxweyne Macron taageero loo muujiyo iyo in kale.