Somali News

Dibad baxyo ka dhan ah Dawladda Soomaaliya oo ka soconaya magaalada Kismaayo

Kismaayo-KNN-Waxaa magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland lagasoo sheegaya in halkaasi ay ka socdaan dibad baxyo waaweyn

Dibad baxyadan ayaa waxaa dhigaya Shacabka reer Jubbaland,kuwaas oo iskugu soo baxay jidadka iyo laamiyada waaweyn ee magalaada Kismaayo

Dibad baxan ayaa waxa ay Shacabku uga soo horjeedaan amarkii kasoo baxay Dawladda Soomaaliya taasi oo ay xayiraad ku saartay Duulimaadyada Diyaaradaha Jubbaland

Shacabka banaan baxa sameynaya ayaa waxa ay wataan Boorar ay ku xar dhan yihiin fariin ay u dirayaan Dawladda Soomaaliya , waxaana gebi ahaanba uu maanta xakad ku yimaaday isku socodka magaalada Kismaayo kaasi oo saameeyay dhamaan goobihii ganacsiga,waxrashada iyo bulshada qaybaheeda Kala duwan