Somali News

Doorashada kursi ka banaan Golaha shacabka oo maanta lagu qabanayo Baydhabo.

Baydhabo-KNN-Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay  lagu qabto doorashada kursi ka banaan Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.

Kursigan doorashada maanta la qabanayo ayaa waxaa ka geeryooday xildhibaan Khaliif Sheekh C/llaahi Dheere, isagoona ku geeryooday isbitaal ku yaala muqdisho oo ku xanuunsanayay inta uusan dhiman mudanaha.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay  in Kursigan maanta la qabanayo  doorashadiisa ay u taagan yihiin afar musharax oo uu ku jira wiil uu dhalay Xildhibaanka dhintay,kaas oo lagu magacaabo Isaaq Khaliif Sheekh Cabdulaahi.

Xubnaha kale ee Kursigan u tartamaya ayaa waxaa ka mid ah C/Qaadir Sheekh Maxamed Nuur,Xasan Macallim Ibraahim,C/laahi Shekh Maxamed.

Kuraas badan ayaa xiligan waxaa ay ka banaan yihiin Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.