Somali News

Doorashada Mareykanka: Kadib guusha Biden maxuu yahay qorshaha Trump?

Musharraxa Dimuqraadiga, Joe Biden ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, laakiin Madaxweyne Donald Trump ayaa weli qorshaynaya inuu sharciga la tiigsado natiijada gobollada muhiimka ah qaarkood.

Qareenkiisa, Rudy Giuliani ayaa Fox News u sheegay in ay qalad noqon doonto in Trump aqabalo guul darrada sababta oo ah, “Waxa jira caddaymo xoogan oo muujinaya in doorashadan ugu yaraan saddex ama afar gobol oo ay suurto gal tahay illaa 10, in la xaday”.

Ololaha Trump ayaan weli soo ban dhigin “caddayn adag” laakiin wuxuu sheegay inuu qorshaynayo inuu dacwad ka bilaabo dhawr gobol oo muhiim ah, Isniinta.

Mr Giuliani wuxuu sheegay in dawacad la gudbin doono oo lagu salaynayo in kor-joogtada loo ogolaan waayey gobolka.

Meelaha qaarkood sannadkan, waxa iray xayiraado la soo rogay maalintii doorashada ka hor, oo qayb ahaan fayraska korona sababay. Waxa sidoo kale jira mugga goobaha oo xadidaada qaarkood kalifay.