Somali News

Faa-faahino kasoo baxaya Qarax ka dhacay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-KNN-Hal qof ayaa ku dhintay Seddax kalana dhaawacyo fudud ayaa kasoo gaaray Qarax la sheegay in lagu aasay maqaaxi ku taalla magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ah kasoo horjeedka Madaxtooyada Dhuusamareeb ee Inji, halkaas oo uu ku shaqeeyo madaxa Xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Qaraxa ayaa sida la sheegay ahaay Miino dhulka lagu aasay, halkan wararka  markii kasoo baxay ay sheegayeen in uu is qarxiyey qof is-miidaamiyey, balse laamaha amaanka Galmudug ayaa KNN u xaqiijiyey in ruux dhintay la aqoonsaday oo uu ahaay Askari ka tirsanaay Ciidamada Booliska ee maamulka Galmudug.