Somali News

Faah faahino ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay albaabka laga galo Xirada Tababarka Ciidanka Jeneraal Dhagabadan oo u dhaw Warshadii Nacnaca ee degmada Wadajir.

Goobjoogeyaal ayaa soo sheegaya in qaraxa uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa, isaga oo beegsaday dhalinyaro isu qoraysay Ciidanka, kuwaa oo saf kaga jiray mid kamid ah Albaabada laga galo xirada Jeneraal Dhegabadan.

Ugu yaraan 10 ruux oo ka tirsan dhalinyarada ku sugneyd goobta ay wax ka dhaceen ayaa ku geeriyooday, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Hay’addaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin qaraxa, ma bixin faah faahin ku aadan khasaaraha ka dhashay ee isugu jira dhimashada iyo dhaawaca.