Somali News

Ganacsato lagu xiray Magaalada Jowhar.

Jowhar-KNN-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya  in Ciidamada amaanka ay xireen  lix ka mid ah Ganacsatada Magaaladaasi, kadib markii lagu eedeeyay in ay lacag siiyaan Al-Shabaab.

Ganacsada la xiray ayaa waxaa ay  ka mid yihiin kuwa  dalagga sisinta soo saaray.

Sababta Ganacsatada loo xiray ayaa lagu sheegay in ay tahay, kadib markii Ganacsatada ay lacag siiyaan  dagaalamayaasha Al-Shabaab oo laamaha amniga Magalada Jowhar ay horay digniin uga soo saareen.

Horey sidan oo kale Ganacsato lacag siiyay Al-Shabaab ayaa lagu xiray Magaalada Jowar.