Somali News

Guddiga arimaha bulshada ee aqalka sare oo eedeeyn u jeediyay Ciidanka Kenya

Muqdisho-KNN-Iyadoo maalmihii u dambeeyay ay ciidamada Kenya ka wadeen degaano ka tirsan jubbada hoose burburka ay u gaysanayeen goobo muhiim ah  kuwaas oo ay ka mid ahaayeen shirkado is gaarsiineed iyo hanti ay lahaayeen soomaali  ayaa waxaa arimahaasi ka hadlay gudiga arimaha bulshada ee aqalka sare.


Gudoomiyaha guddiga arimaha bulshada ee aqalka sare Sanatar Axmed Nadiir oo la hadlay KNN ayaa  waxaa uu sheegay in ciidamada dawlada Kenya ay u bareereen inay burburiyaan shirkadaha iyo hantida ay leeyihiin shacabka soomaaliyeed.


Waxaa uu xusay inay horay u burburiyeen xarumo waaweyn ee ay lahaayeen dad soomaali ah, kuna lahaa degaano ka tirsan jubbada hoose, islamarkaasina aysan u sii dulqaadan karin.



Hadalkan ka soo baxay guddiga arimaha bulshada ee aqalka sare ayaa ku soo beegmayaa xilli ay ciidamada Kenya ay sii kordhiyeen burburka ay u gaysanayaan xarumaha isgaarsiineed iyo goobo muhiimka ah oo  dad shacab soomaaliyeed ay ku lahaayeen jubbada hoose