Somali News

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo qirtay dhaqaalo xumo baahsan oo dalkiisa soo wajahday.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa qirtay in dalkiisa uu ku guul dareestay qorshe ay dagsadeen oo ay ku doonayeen in mudo shan sano ah wax ay uga qabtaan xaalada dhaqaale ee dalkaasi kajirta.

Dalkaan oo ay saarantahay cunaqabateen caalami ah ayaa haatan wajahaya dhaqaalo xumo tii ugu liidatay, waxaana saameen xoogan ku yeeshay xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

Dhanka kale Kim Jong-un ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay sara u qaadida awoodiisa milatari. Waxaana hadalkan uu sheegay mar uu lahadlayay warbaahinta qaranka.