Somali News

Ingiriiska oo soomaaliya ka taageeraya Xasiloonida dalka.

Muqdisho-KNN-Danjire Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee xukuumadda soomaaliya ayaa ku qaabilay magaalada Muqdisho Safiirka cusub ee Boqortooyada UK u qaabilsan soomaaliya ambasador Benjamin Fender.

Danjire Axmed Cawad waxa uu soo dhoweeyay Danjire Ben Fender, isagoo ugu hambalyeeyay kalsoonida boqortooyo UK ee uu ku helay in xilkani loo magacaabo.

Wasiirka waxa uu kala hadlay Safiirka dhowr arrimood, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hore loo sii wado, lana xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee labadda dal ee dhinacyo kale duwan leh, si gaar ah arrimaha amniga iyo dano wadaagga istiraatiijiyadeed ee sooamaliya iyo uk ka dhaxeeya.

Dowladda ingiriiska ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera dowladdeena soomaaliya iyagoona ka garabsiiya dhismaha ciidamada xooggga dalka iyo shaqa abuurka dhalinyarada iyo dhismaha kaabayaasha dhaqalaha dalka.