Somali News

Khasaare ka dhashay dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay dalka Kenya

Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku geeriyooday, halka Ilaa 45 qof oo dhaawac ah ayaa lagu soo warramayaa in loola cararay isbitaalka weyn ee dalka Kenya ee Kenyatta.

Dadkan ayaa kamid ah dibedbaxayaal isugu soo baxay maanta waddooyinka Kenya, kuwaas oo ka soo hor jeeda hindise-sharciyeed cusub oo dowladda Kenya ugu kordhineyso canshuuraha.

Dhaawacyada qaar ayaa lagu dabiibayaa dibedda isbitalka, kuwaas oo u badan rag dhalinyaro ah oo dabcan kamid ahaa mudaaharaadayaashii maanta