Somali News

Khasaare ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay bannaanka xerada TURKISOM

Qof sitay jaakad qarax ku xiran yahay ayaa isku qarxiyay dhalinyaro doonaysay in ay qortaan ciidanka Gorgor.

Afar qof ayaa dhaawacmay kaddib markii nin sita jaakad walxo qarxa ay ku xiran yihiin uu isku qarxiyay meel aan sidaa uga fogeyn xerada tababarka Turkida ee TURKISOM ee magaalada Muqdisho.

Qofka qaraxu ku xirnaa uu doonayay inuu dhex galo dhalinyaro saf ku jirtay si ay u qortaan ciidanka Gorgor ka soo horjeedka xerada TURKISOM, laakiin ay ciidamada amaanku ka shakiyeen, deetana inta aanu soo gaarin dhaliyarada safka ku jirtay uu is qarxiyay.

Afar kamid ahaa dhalinyaradii doonayay in ay ciidanka qortaan ayaa goobta ku dhaawacmay