Somali News

Kongareeska oo ansixiyay guushii Joe Biden

Kongareeska Mareykanka ayaa ansixiyay in Joe Biden iyo Kamala Harris ay kala yihiin madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka xiga ee dalka Mareykanka.

Natiijada doorashada ayaa waxaa ansixiyay labada aqal ee Aqalka Sare iyo Aqalka Wakiillada, kuwaasoo laalay diidmadii laga muujiyay codadka gobollada Pennsylvania iyo Arizona.

Kulankii caadiga ahaa ee Kongareeska ayaa la hakiyay shalay markii taageerayaasha Madaxweyne Trump ay ku xoomeen dhismaha Capitol. Kulanka ayaa la soo celiyay isla markaana sii socday kaddib markii la kala cayriyay dibadbaxayaasha.

Madaxweyne Trump ayaa haatan soo saaray warsaxaafadeed uu ku sheegayo inuu u hoggaansamayo xil wareejinta 20-ka Janaury, balse wuxuu ku celiyay sheegashada been abuurka ah ee in doorashada lagu shubtay.