War qoraal ah oo ay soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa ay ku sheegeen in uu bur burey wada-hadaladii iyo heshiiskii ay la galeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Qoraalka oo ku qornaa luuqada Englisha ayaa Waxaa ay ku eedeeyeen Madaxweynaha in uu dhamaan ka baxay qodobadii ay kula heshiiyeen ee dhinacyada Amniga,Xuriyadda hadalka, doorashooyinka iyo in Shacabka uu u soo bandhigo heshiiskii ay wada galeen.

