Somali News

Madaxweynaha is-maamulka Tigrey oo ku baaqay xabad joojin

Addis Ababa-KNN-Madaxweynaha maamulka Tigray ee dalka Itoobiya Debretsion Gebremichael ayaa lagu soo waramayaa inuu ku baaqay in lasoo afjaro colaada ka taagan gobolka, isla markaana la bilaabo wadahadallo si xiisadda loo dejiyo.

Midowga Afrika ayuu mar sii horeysay ugu baaqay inay xaaladda faraha lasoo galaan, si dalka looga badbaadiyo in uu galo dagaallo sokeeye.

Debretsion Gebremichael wuxuu ku baaqay in la qabto wadahadallo lagu joojinayo dagaalka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Si kastaba, dowladda federaalka Itoobiya waxay u muuqataa in mid aan diyaar u aheyn wadahadallo in lala galo gobolkan, khudbad uu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu ku sheegay in dowladda ay soo gabagabeyn doonto hadafkii laga lahaa howlgalka.

Qaramada Midoobey waxay ka digtay in dagaallada ka socda gobolka Tigray in 9 malyan qof ay halis ugu jiraan in guryahooda ay ka qaxaan maadama la xiray waddooyinkii geli jiray gobolkaas oo ay adagtahay in gargaar la gaarsiiyo shacabka.