Somali News

Madaxweynaha Jubbaland oo Ku taliyay in dhaqaalaha la siiyo AMISOM loo wareejiyo Ciidamada Xoogga.

Muqdisho-KNN-Axmed Maxamed islaam Axmed madoobe Madaxweynaha maamulka jubbaland  oo la hadlay warbaahinta ayaa Ku taliyay in dhaqaalaha la siiyo AMISOM xilligan  loo wareejiyo Ciidamada Xoogga dalka, si buu yiri looga adkaado dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland Waxa uu sheegay in laga maarmo ciidamada AMISOM oo lagu bixiyo dhaqaalo fara badan, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in  aysan jirin shaqo dhab ah oo ay ka qabteen dalka, isagoona sheegay in soomaaliya ay u baahan tahay in ay isku tashato.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa waxaa uu dhaliilay u jeediyay Dowladda Federalka soomaaliya waxaa uuna ku eedeeyay in ay ka gaabisay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday  in aysan jirin cid la xisaabtanta Hayadaha  deeq bixiyaasha iyo AMISOM, taasi ayuu sheegay in ay sabab u tahay dib u dhaca jira, maadaama xilli fog uu qaatay howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Hadalka Madaxweynaha ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa Xilli Soomaaliya ay ku sugan yihiin  22 kun oo askeri oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee (AMISOM)., waxaana ka mid ah dalalka ciidamada u soo diray Soomaaliya Ugandha,Kenya, Burundi, Jibuuti ,Itoobiya iyo dowladdo Kale.