Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo farriin u diray Puntland iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa farriin u diray maamulada Puntland iyo Jubbaland, waxaana uu sheegay in ay gacan u fidin doonaan.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay gabegabada shirka ay ku heshiiyeen madaxda dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowladd goboleedyada ayaa waxaa uu sheegay in ay rajeynayaan doorasho waqtigeeda ku dhacda, gacana u fidiyay maamulada shirka ka maqnaa.

“‪Waxaan caawa heshiis doorasho kula gaadhnay Dhuusamarreeb Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaasoo aan rajaynayno inuu dalku u horseedo doorasho hufan, Xisbiyo badan oo waqtigeeda ku dhacda. Gacan ayaan u fidinaynaa walaalaha naga maqanaa intii aan hawshan ku jirnay.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Baaqa Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo aadaya xili shirkii Dhuusamareeb Saddex la soo gabegabeeyay iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed lagu heshiiyay.