Somali News

Mahad Salaad oo la wareegay xilka Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacday munaasabad uu xilka kula wareegay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugida Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad.

Munaasabad oo ka dhacday Xarruunta Hay’adda NISA ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Talyeyaasha Ciidamada Booliiska iyo Militeriga, Wasiirada Gaashaandhiga iyo Amniga, iyo weliba Saraakiil ka tirsan Hay’addaha Amniga.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa Agaasimaha Cusub kula dardaarmay in uu guto waajibaadka Dastuuriga ee loo igmaday, isla markaasna uu dardar geliyo Howlaha Hay’adda Nabad Sugida Qaranka.

Agaasimaha cusub ee Hay’adda NISA Mahad Maxamed Sallaad ayaa ahaa xubin ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana khamiistii meelmariyay magacaabistiisa Golaha Wasiiradda.