Somali News

Mareykanka oo Deni iyo Axmed Madoobe ku tilmaamay ” Qaswadayaal”.

Dowladda Mareykanka ayaa ‘Qaswadayaal’ ku tilmaantay madaxda dowlad-goboleedyada ee diiddanaa ka qeyb galka shirka Dhuudamarreeb saddex, wuxuuna kuwa oggol ugu baaqay in ay ka dhabeeyaan natiijada shirka.


Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri:-

“Qaswadayaasha diidday ka galka shirka waxay u baas baxayaan dimoqraadiyadda damacooda goonida ah. Dhinayacyadda shirka waxaa loo baahanyahay in ay horay u socdaan si loo helo hanaan waqtigiisa la isugu raaco”.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa sharuudo ku xiray ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb saddex ee lagu xalay la soo gabagabeeyay Dhuusamareeb.