Somali News

Mareykanka oo sii daayay Soomaali lagu eedeyay in ay lacag lunsadeen.

Muqdisho-KNN-Guddi uu baarlamaanka gobolka Minnesota u saaray eedeymo qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka u jeedisay Soomaalida in ay dowladda ka lunsadeen lacag dhan $100 milyan oo doolar, kadibna lacagahaas lagu maalgaliyay Alshabaab ayaa ayaa sheegay in arrinkaas wax caddeymo ah loo waayay.

Taleefishinka FOX News ayaa sanado ka hor tabiyay in Soomaalida leh xarumaha lagu xanaaneeyo ubadka iyo dadka waayeelka ah ay lunsadeen lacag dhan $100 milyan oo doolar, kadibna lacagtaas loo diray kooxaha argagixisada sida Alshabaab.

Mahad Xassan oo ka tirsan dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha Soomaalida ayaa warbaahinta u sheegay in wararkaasi ay ku yihiin been abuur.

Warbixinta oo ka koobnayd 69 bog oo baarlamaanka la horkeenay ayaase lagu sheegay in ay maqantahay lacag dhan 6 milyan oo doolar, hase yeeshee Mahad waxa uu sheegayaa in lacagtaas aysan Soomaali oo kaliya ku maqnayn.

Jaaliyadda Soomaalida ee Maraykanka ayaa aad uga banaanbaxay warbixinta, waxayna ku tilmaameen in ujeedka yahay in Soomaalida iyo dadka madoow la cunsuriyeeyo.