Somali News

Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn ka dhacday Jubbada Hoose.

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka ee qaarada afrika ee Africom ayaa waxaa ay faahfaahin ka bixiyeen duqeyn ay ka fuliyeen Gobalka jubbada Hoose.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaanka Malayle ee Gobalka Jubada Hoose.

Taliska Mareykanka ma sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ay gaarsiiyeen dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeynmaha ay ka fulinayaan deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.