Somali News

Maxaa lagu heshiiyay shirkii Dhuusamareeb Saddex ?

Shirkii u socday dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada oo la soo gabagabeeyay lagana soo saaray war-murtiyeed.

Shirkaan oo magaalada Dhuusamareeb ka socday maalmihii la soo dhaafay, isagoo oo ay ka qeyb galeen Madaxweyneha Soomaaliya,madxweyneyaasha maamulada Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa laga waxaa ay soo saaray hannaan ay ku raaceen in lagu qabto doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo.

Halkaan Hoose ka akhriso war-murtiyeedka.

WAR-MURTIYEEDKA SHIRKII DHUUSAMAREEB-3

Hannaanka doorasho ee 2021-2021 kaddib markii aan si qoto dheer oo taxadar ku jiro wadatashi uga yeelanay qaababkii doorasho ee ay Guddigu u soo gudbiyeen waxayna ugu danbayn isku raaceen:
1-In qaabka doorashada 2020/21 noqoto mid Deegan Doorasho ah (Electoral constituency caucuses)

  1. In Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka-GMDQ oo kaashanaya Maamulada Dowlad Goboleedyada fududeeyan dhisida Guddi xulis oo loo dhanyahay oo ka kala imanaya Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ah ee ka soo jeeda beesha wadaagta kursiga.
  2. In Ergada kursi kasta noqoto 301 oo ka imanaysa beesha kursiga wadaagta.
  3. In Dowlad Goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar (4) deegaan doorasha oo ay ka dhacdo doorashadu
  4. In codbixiyeyaasha 3dii ilaa 5tii kursi ee hal goob doorasho wada yaala la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhamaan musharaxiinta xisbiyada ee ku tartamaya kuraastaas.
  5. In doorashadu kawada dhacdo dalka oo dhan hal maalin oo isku mid ah.
  6. Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinak Qaranku-GMDQ waxay kuraasta lagu asteeyey deegaan doorashooyin aan amni ahayn u wareejin karaan deegaan doorasho kale oo amni ah.
  7. In kuraasta Soomaaliland lagu doorto qaab doorasho dadban.
  8. In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) iyagoo kaashanaya Maamulka Dowlad Goboleedyada iyo Bulshada rayidka ah.
  9. In doorashada lagu galo hannaanka xisbiyada badan.
  10. In Baarlamaanka Dowlad Goboleedyadu doortaan Aqalka Sare.
  11. In heshiiskan loo gudbiyo Golaha Shacabka si uu sharci u noqdo.
  12. Si doorashada wakhtigeeda ugu dhacdo waxaa la go’aamiyey in GMDQ dardargaliso hirgelinta doorashada.
  13. Madaxda shirka waxa ka go’an in ay sii wadaan dadaalka xal u helida tabashooyinka ku aadan arrimaha doorashooyinka 2020/21 ee ay qabaan labada Dowlad Goboleed ee shirka ka maqan, waxaana rajeyneynaa in ay nagula soo biiraan wixii hawl ah oo dhiman.
  14. In la ilaaliyo 30%-ka saamiga Haweenka
  15. Wuxuu shirku u mahad celin iyo boogaadin u jeedinayaa Madaxweynaha iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta shirka.
  16. Sidoo kale shirku wuxuu u mahad celinayaa Beesha Caalamka oo mar walba dadka Soomaaliyeed lagarab taagan taageero dhan walba ah.
    Waxa rajeynayaa in uu umadda Soomaaliyeed u horseedo doorasho hufan, Xisbiyo badan oo waqtigeeda ku dhacda.

Waxaan Si gaara Ugu Mahadcelinyaa Shacabka Galmudug iyo Dhamaan Bulshada Soomaliyeed Meel Kasta oo Ay Dunida Ka joogaan Sida Ay Shirka Ugarab istaageen.

Dhammaad.

Sawirro