Somali News

Muxuu Putin kala hadlay madaxda Faransiiska & Jarmalka?

Madaxwayne Vladimir Putin ayaa sheegay in milatariga Ruushka ay u hogaansami doonaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada inta ay ku guda jiraan hawlgalada milatari ee Ukraine.

Madaxweyne Putin ayaa wada hadal dhanka taleefoonka ah kula yeeshay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Schulz.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray Ololaha Milatari ee Ruushka uu ka wado dalka Ukrain iyo cunno yarida caalamka ka jirta kadib dagaaladii.

Madaxweyne Putin ayaa ugu baaqay militariga Ruushka in ay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada ee howlgallada milatari ee ay ka wadaan Ukraine.

“Moscow way u furan tahay dib u bilaabashada wadahadalada nabada ee Ruushka iyo Ukraine,” ayuu yiri Putin.

Waxa uu ka digay in kaalmada reer galbeedka ee Ukraine aysan sii xumeyn doonin oo kaliya colaadda balse ay horseedi doonto dhibaato bini’aadantinimo oo ka sii dareysa gobolka.

Cunno yarida dunida ka jirta ayuu u sababeeyay dhaqaale xumo reer galbeedka.