Muqdisho-KNN-Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay meel ku dhow xerada ciidanka Nac-naca ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Qofka ayaa isku qarxiyay maqaaxi shaah lagu cabo, sida goobjoogayaal u sheegeen KNN.
Wararka aya sheegaya inuu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana soconaya gurmad loo sameynayo dadka ku dhaawacmay qaraxa.
Wixii ku soo kordha soco
