Somali News

Qaraxii labaad oo ka dhacay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-KNN-Qaraxii labaad ayaa daqiiqado kooban gudahood ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Qaraxa dambe ayaa la sheegay in uu ka dhacay dhabarka dambe xarunta Maxkamadda ee magaalada Dhuusamareeb, Saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug ayaa KNN u xaqiijiyey in labada qaraxba ay ahaayeen Miinada Rumuudka laga hago.

Sarkaal ka tirsan Galmudug ayaa Radio Kulmiye u sheegay in qaraxa dambe uu dhaawac fudud kasoo gaaray Wiil dhalinyaro ah oo goobta marayey, waxaana la sheegay in wadada uu ka dhacay qaraxaas ay daqiiqado ka hor mareen  mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka.