Somali News

Ra’iisul wasaaraha Britain oo loo qaadayo codka kalsoonida.

Muqdisho-KNN-Ra’iisul wasaaraha Britain Therese May ayaa wajahaysa Mooshin loogu qaadayo codka kalsoonida kadib markii ay ku fashilantay in Baarlaanka dalkaasi ay marsiiso heshiiskii kabixitaanka midowga yurub.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ayaa ku baaqay In si deg deg ah loo qabto kulan codka kalsoonida ah loogu qaadayo Ra’iisul wasaare May si dalka ay uga dhacdo doorashooyin guud.

Ra’iisul wasaaraha Britain Therese May, ayaa sheegtay in haddii ay ka badbaado Codka kalsoonida ah ay isbuuca danbe la’imaan doonto  qorshe cusub oo kaduwan kii hore.

Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Uk Boris Johnson, oo kamid ahaa hogaamiyaashii u ololeenayay in Britain ay ka go’do yurub inteeda kale ayaa sheegay  in in lacirib tiray qorshihii fashilmay ay wadatay ra’iisul wasaare Therese May.

Madaxwaynaha midowga yurub ayaa dhankiisa sheegay in ay UK haboontahya in ay kasiimid noqoto  midowga yurub haddii Baarlaanku ka codeeyay heshiiskii kabixitaanka midowga.