Somali News

Ruushka oo xabad joojin uga dhawaaqay woqooyi galbeed Siiriya

Ruushka ayaa ku dhawaaqay xabad joojin iskiis ah taasi oo ka dhaqan geleeysa Woqooyi Galbeed Siiriya, halkaas oo Ciidanka Dowladda ee Ruushku taageerayo ay guluf ka wadeen si ay u qabsadaan dhulka ay mucaaradku ka heeystaan Gobolka Idilib.

Ku dhawaaqistu waxay timid Jimcihii iyadoo ay dadka Shacabka ah ee Siiriya isku dayayaan in ay colaadda cusub ka baxsadaan iyagoo gelaya Dalka ay deriska yihiin ee Turkiga, xaaladda gobolka Idlibna waa ay kasii dareysa marba marka ka dambeeysa.

Qaramadda Midoobay ayaa ka digtay in dagaal cusub uu keeni karo in ay barakacaan Sedax million oo shacab ah oo Gobolka Degan, balse ciidanka Dowladda ayaan dhageeysan baaqa Qaramadda Midoobay waxayna muhiim u arkaan gacan ku heynta Gobolka Idlib.

Ruushku waxaa uu sheegay in xabad joojinta cusub looga golleeyahay in xaaladda Gobolka la xasiliyo iyo in Gobolka laga abuuro aag dagaalka ka caagan oo dadka shacab ka ah ay ku badbaadi karaan.

Mucaaradka Gobolka qaybo ka mid ah heeysta warkaan kama aysan soo jawaabin, balse hey’ada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa amaanay Talaabadda uu Ruusku qaaday ee uu xabad goojinta uga hirgaliyay Gobolka Idlib.