Somali News

Sawirro: Shirka Dhuusamareeb oo maanta furmaya iyo kulamo xalay dhex maray madaxda

Dhuusamareeb-KNN-Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug oo ay ku sugan yihiin dhammaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, waxaa xalay ka dhacay kulamo gaar gaar ah oo ay yeesheen madaxda qaar.

Inta badan kulamadaan waxay madaxdu isaga xog wareysteen khilaafka ka taagan doorashada dalka, inkastoo aan faahfaahino dheeraad ah laga helin, waxyaaba ilaa hada lagu go’aamiyey kulamadii xalay.

Madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa xalay qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ugu tegay guryaha ay ka degan yihiin magaalada Dhuusamareeb.

Ugu horeyn Qoor Qoor ayaa hoyga uu ka degan yahay Dhuusamareeb ku booqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, waxayna halkaas ku yeesheen shir mudo kooban socday oo saxaafadu ay dibad joog ka aheyd.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa isla xalay hoyga uu ka degan yahay Dhuusamareeb ugu tegay Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, isagoo la qaatay shir aan saxaafadda loo soo bandhigin waxyaabihii looga hadlay.  

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha iyo madaxweyne Farmaajo ayaa iyaguna shirar gaar gaar ah saacadihii la soo dhaafay magaalada Dhuuamareeb kula qaatay inta badan madaxda ka qeyb geleysa shirka Dhuusamareeb.

Arbacada maanta ah ayaa lagu wadaa in shirkaas uu ka furmo Dhuusamareeb, iyadoo balanku ahaa inuu furmo 1-dii bisha, balse dib u dhac uu ku yimid, waxaana magaaladaas ku sugan dhamaan madaxda kala hoggaamisa dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.