Somali News

Shabaabkii Weeraray Afgooye oo la dilay.

Muqdisho-KNN-Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa faahfaahin  dheeraad ah waxaa uu ka bixiyay weerar ay dagaalamayaasha ka fuliyeen duleedka Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay KNN ayaa sheegay in khasaaro lixaad leh ay gaarsiiyeen Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Waxaa uu sheegay in ku dhawaad 10 qof ay ku dileen, halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.

Gudoomiyaha Gobalka shabeelaha hoose ayaa wacad ku maray in ay dagaal adag ay la gali doonaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Deegaanada ay weerarka ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah Buulo foolyo, kontoroolka Mukeyga iyo duleedka Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.