Somali News

Shiinaha oo Sameeyay Tijaabooyin Militari Kadib Heshiiskii Mareykanka iyo Taiwan.

Muqdisho-KNN-Militariga Shiinaha ayaa tijaabooyin military ka sameeyay xeebta ku taala koonfur bari dalkaasi sida ay sheegtay wasaarada difaaca ee dalka Shiinaha.

Ku dhawaaqista tijaabadan ay sameenayaan military’ga shiinaha ayaa timid kadib markii Mareykanka uu dhagaha ka fureestay dalabkii Shiinaha ee ahaa in uu joojiyo hubka uu ka iibinayo Jasiirada Taiwan oo isku aragta dal kamadax banaan Shiinaha intiisa kale.

War saxaafadeed kooban oo kazoo baxay wasaarada gaashaandhiga ayaa lagu sheegay in tijaabooyinka ay sameenayaan military’ga Shiinaha uu noqo doono kuwa joogto ah.   

Jimcihii Shiinaha ayaa sheegay in ay xayiraado kusoo rogi doonaan shirkadaha Mareykanka ee ku lug yeesha heshiiska uu Mareyknaku hubka kaga iibinayo Taiwan kaas oo ku kacaya lacag gaaraysa $2.2 bilyan.

Heshiiska hubka ee Mareykanka iyo Taiwan ayaa yimid kadib markii magaalada New York ee booqasho ku tagtay hogaamiyaha Taiwan Tsai Ing-wen.

Shiinaha ayaa ku doodaya in Jasiirada Taiwan ay sinna dalkeeda kaga go’i Karin kadib markii Taiwan ay ku dhawaaqday in ay kamadax banana tahay Shiinaha intiisa kale.