Somali News

Somaliland oo hor istaagtay banaanbax ay ku baaqeen mucaaradka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed ayaa sheegay in la mamnuucay dibad-bax ay ku dhowaaqeen Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, kaasi oo ka dhan ah Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wasiir Kaahin ayaa ku eedeeyay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradadka in aysan wado sax u soo marin dalbadshada Bannaanbaxa, taasina ay ka hor imaaneyso shuruucda u degsan Somaliland.

Mr Kaahin ayaa Ciidamada Ammaanka Somaliland ugu baaqay in ay ka shaqeeyan sugida amniga, isla markaasna ay si waafaqsan u gutaan waajibaadka saaran.

Muranka u dhaxeeya Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ayaa sii xooggeystay, kaasi oo salka ku haya qabashada doorashada Madaxtooyadda iyo furinta Xisbiyadda Siyaasadda.