Somali News

Somaliland oo ka hortimid banaanbax ay dalbadeen axsaabta mucaaradka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa shaaciyay in wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland ay joojiysay banaanbaxyadii ay doonayeen Axsaabta Mucaaridka Somaliland.

Wasiir Kaahin ayaa sheegay in qoraalkii mucaaridku u soo gudbiyeen ee ku saabsanaa qabashada banaanbaxyadu  aanu waafaqsanayn sharciga.

Waxaa uu sheegay in Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridku diiden kulankii uu ka dalbaday Wasiirku shalay inay ka wada yeeshan banaan-baxyadaasi.

Sidoo kale, waxaa uu tilmaamay in cidii qabataa banaanbaxyo aan la ogoleyn ay ka soo horjeedo amaanka iyo sharciga Somaliland.

Hadalka wasiirka ayaa imaanayo, xili malmihii lasoo dhaafay Somaliland ay ka jirtay Muran ka dhashay Arrimaha doorashada Somaliland, iyadoona culimada iyo Madaxdhaqameedka Somaliland ay ugu baaqeen siyaasiyiinta in ay xaalka dejiyaan.