Keydka Sawiradda

Soomaaliya oo qayb ka ah wadamo ka qayb galaya dhismaha Booliska Afrika

Muqdisho-KNN-Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,, ayaa sheegay in ay wadaan qorshe dib u dhis xooggan iyo qalabayn loogu sameynayo Ciidanka.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in ay qeyb ka noqon doonaan dhismaha Booliska Africa oo  haatan lagu aas-aasayo Dalka Algeria isla markaasina ay direen Saraakiil.

Wuxuu sheegay Taliyuhu in ay sare u qaadi doonaan, tirada, tayada, Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo qalabka Boliiska, si uu u yeesho awood intaa ka ballaaran.

Taliye Xajaar ayaa sheegay in Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed uu ka mid yahay Inter Pol-ka, (International Police),  Xafiisna ay ku leeyihiin Muqdisho.

S/Gaas Cabdi Xasan Xijaar, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa intaa ku daray in dhowaan ay Magaalada Nairobi ka furi doonaan Xafiis ay ku mideysan yihiin Boliiska Bariga Afrika, wuxuuna sheegay in ay rajeynayaan in ay Soomaaliya madax ka noqoto hoggaanka Waddamada Gobolka.