Keydka Sawiradda Somali News

SAWIRRO:-Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Itoobiya.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa gaaray Addis Ababa ,iyadoo halkaas uu ku soo dhaweeyay Ra”iisul Wasaaraha Itoobiya.

Muddane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo la yeelanaya isla maantaba Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Labada masuul ayaa kawada hadi doono xoojinta xiriirka labada dal oo uu ugu horeeyo Amniga iyo guud ahaan horumarka iyo Nabadgalyada gobolka.

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa kamid ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.