Somali News

Taiwan oo Somaliland ka caawineysa horumarinta wax soo saarka beeraha

Is-maamulka Taiwan ayaa billaabaya barnaamij uu xukuumadda Somaliland uga caawinayo kor u qaadidda wax soosaarka beeraha deegaanada Somaliland.

Wasaaradda beeraha Somalialnd iyo madaxda safaaradda Taiwan ay ku leedahay magaalada Hargeysa oo wadajir u shaaciyay barnaamijkan ayaa sheegay in beeralayda Somaliland lagu barayo sida dhul kooban loogu beeri karo wax badan.

Agaasimaha wasaaradda beeraha ee Somaliland Rooble Cabdi Muuse ayaa warbaahinta u sheegay in barnaamijkan uu kamid yahay mashruucyo dhowr ah ay Taiwan ka hirgelineyso Somaliland si loo horumariyo kobcinta iyo wax soo saarka beeraha.

“Waa mashruuc loo qaabeeyay hab iskaashi, wasaaradda ay in ku dareyso, Taiwan ay inta kale la imaaneyso, wuxuu mashruucani kaga duwan yahay mashaariicdii kale waa mashruuc loo hirgelinayo hab tijaabo ah” ayuu yiri Rooble Cabdi oo la hadlay BBC

Isagoo sii hadlayey ayaa yiri, “Taiwan waxay dalka ka sameyn doontaa beer, beertaas oo u adeegi doonto hab soo bandhigeed, markaa beertaas iyadoo adeegsaneysa habab casri ah oo dhul yar laga soo saari karo wax badan.”