Somali News

Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta oo xilka la wareegayo

Munaasabad uu xilka kula wareegayoTaliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Somaaliyeed Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan ayaa ka socota Muqdisho.

Waxaa xilka Taliyaha ciidanka Asluubta wareejinayo taliyihii hore Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe),

Munaasabaddan xil wareejinta waxaa ka qeybgalaya Wasiirka Caddaaladda(Abukaate) Xasan Xuseen Xaaaji,Wasiirka Dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye,Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr.Axmed Cali Daahir,Madaxda maxkamadaha dalka iyo marti sharaf kale.

Taliya xilka la wareegaya ayaa horey u soo noqday Taliyaha ciidanka booliska maamulka koofur galbeed Soomaaliya.