Muqdisho-KNN-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday magaalada Abu Dhabi, halkaasoo Xuutiyiinta Yemen ay ku weerareen diyaarad Drones oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.
Wasiir ayaa ku tilmaamay werarkaasi mid argagixiso, isagoona shegay in uu ka hadlayo magaca DFS, kana tacsiyadeeynayo dadkii dhintay iyo qoysaskooda.
“Anigoo ku hadlaya magaca DFS, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii dhintay iyo qoysaskooda. Falalka argagixisanimada ayaa khatar weyn ku ah gobolka iyo Amniga caalamka, Waxaan garab taagannahay shacabka Imaaraadka Carabta”
Shalay ayeey aheeyd ladib markii Qaraxyo ka dhashay diyaarado drone ah oo ka dhacay magaalada Abu Dhabi, ayada oo Xuutiyiinta dalka Yemen ay ku dhowaaqeen “howlgallo militari” oo ay ka fuliyeen dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Inta la xaqiijiyay Saddex qof ayaa ku geeriyootay, lix kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyada, sida ay sheegeen booliska, Dadka dhintay ayaa laba qof waxay u dhasheen dalka India, halka qof kalena uu kasoo jeedo Pakistaan.
